|
Nolosha weligeed ah waa la muujiyey
Waxaannu idiin soo qoraynaa wax ku saabsan
wixii tan iyo bilowgii jiray, oo aannu maqalnay, oo annu indhahayaga ku
aragnay, oo aannu eegnay, oo ay gacmahayagu taabteen oo erayga nolosha ah.
Nolosha waa la muujiyey, oo waannu aragnay,waannu u marag furaynaa, oo
waxaannu idiinka warramaynaa nolosha
weligeed ah, ta aabbaha la jirtay oo lanoo muujiyey, wixii aannu aragnay oo
aannu maqalnay ayaannu idiinka warramayna. Si aad idinkuna noo soo wehelisaan.: oo
wehelnimadeenu waa mid la jirta aabbaha iyo wiilkiisa ciise masiix ah oo
waxaannu waxyaalahan idinku soo qoraynaa si ay farxaddiinnu u buuxsanto.
Ilaah waa nuur
Warkii aannu ka maqalnay oo aan idiinka
warramayno wuxuu yahay, in ilaah nuur
yahay, oo isaga aan gudcur ku jirin
innaba. Haddaynu nidhaahno, Wehelnimo ayeynu la wadaagnaa isaga, Oo aynu gudcurka ku soconno, been baynu
sheegna, Oo runta ma falno. Laakiin haddaynu nuurka ku soconno siduu isaguba
nuurka ugu jiro, wehelnimo ayaynu isla
wada wadaagnaa, oo dhiigga ciise,oo wiilkiisa ah, wuxuu inaga nadiifiyaa dembi
oo dhan. Haddaynu nidhaahno, dembi ma lihin. Nafsaddeenna ayaynu khiyaanaynaa,
oo runtuna inaguma jirto. Haddaynu dembiyadeenna qiranno. Isagu waa amin iyo
caaddil inuu dembiyadeenna inaga cafiyo. Oo uu inaga nadiifiyo xaqdarrada oo dhan. haddaynu nidhaahno, ma
aynu dembaabin, waxaynu ilaah ka dhignaa beenaaleh, oo ereygiisa inaguma jiro 1
YOOXANAA 1:1-10
Qaynuunka cusub
Gacaliyayaalow, qaynuun cusub idiin soo qori
maayo, laakiin waxaan idiin soo qorayaa
qaynuun hore oo aad tan iyo bilowgii heysateen,Qaynuunkii hore waa hadalkii aad
bilowgii maqasheen.Oo weliba qaynuun cusub ayaan idiin soo qorayaa,kaas oo
isaga iyo idinkaba run idinku dhex ah , maxaa yeelay, gudcurku waa
dhammaanayaa, oo nurka runta ahuna imminkuu iftiimayaa. Kan yidhaahda, nuurkaan ku jiraa, oo walaalkiis neceb, wuxuu ku jiraa
gudcurka ilaa imminkada. Kan walaalkii jecel, nuurkuu ku jiraa, oo wax lagu
xumaado kuma jiro isaga. Laakiin kan walaalkii neceb gudcurkuu ku jira, oo
gudcurkuu ku socdaa, oo garan maayo meeshuu marayo,waayo . Gudcurkaa indhihiisa
tiray.
Wax baan idiin
soo qoraya, carruurtiiyey, maxaa yeelay, dembiyadiinnii waa laydinka cafiyey
magiciisa aawadiis. Aabbayaashow, wax baan idiin soo qorayaa, maxaa yeelay waad
garanaysaan kan tan iyo bilowgii jira . Ragga dhallinyarada ahow. Wax baan
idiin soo qorayaa, maxaa yeelay, idinku kan sharka ah ayaad ka adkaateen.
Carruurtaydiiyey, wax baan idiin soo qoray, maxaa yeelay, aabbaha waad
garanaysaan. Aabbayaashow , wax baan idiin soo qoray, maxaa yeelay, waad garanaysaan kan tan iyo bilowgii jira. Ragga
dhallinyarada ahow, wax baan idin soo qoray, maxaa yeelay, waad xoog weyn
tihiin.
oo ereyga ilaah
baa idinku jira, oo kan sharka ah ayaad ka adkaateen. Dunida waxyaalaha dunida
ku jira toona ha jeclaanina. Qof uun hadduu dunida jeclaado, jaceylka Aabbuhu
kuma jiro isaga. Maxaa yeelay, waxaa dunida ku jira oo dhan oo ah damaca
jidhka, iyo damaca indhaha, iyo faanka nolosha. Xagga aabbaha kama yimaadaan ee
waxay ka yimaadaan xagga dunida. Oo duniduna way idlaanaysaa,iyo
damaceeduba.;laakiin kan doonista ilaah yeelaa wuu jirayaa waligiis.
1 YOOXANAA 2:7-17
Bilowga kitaabkan, iyo salaan
Tanu waa muujintii Ciise Masiix oo ilaah
isaga siiiyey inuu tuso addoommadiisa
waxyaalaha waajibka ah inay dhowaan dhacaan. Oo isagu wuxuu taas tusay
addoonkiisii yooxanaa isagoo malaa,igtiisa u soo diraya isaga ,kaasoo ka
markhaati furay erayga ilaah iyo markhaatifuridda Ciise Masiix, Iyo wixii uu
isagu arKay oo dhan . Waxaa barakaysan ka akhriya iyo kuwa maqla erayadii wax
sii sheegidda, oo xajiya waxyaalaha ku qoran, waayo wakhtigii wuu dhow yahay.
Anigoo yooxanaa ah waxaan waxyaalahan u soo
qorayaa toddobada kiniisadood oo Aasiya
ku yaal. Nimco iyo nabadu ha idiinka yimaadeen kan jira oo jiray oo iman doona,
iyo xagga toddobada ruux oo carshigiisa
hor jogga . Iyo xagga ciise masiix oo ah markhaatiga aaminka ah, iyo
curadka kuwii dhintay, iyo amiirka boqorrada dhulka. Kan ina jecel oo
dembiyadeena dhiiggiisa inagaga furay, oo boqortooyo inaga dhigay inaynu
wadaaddo u ahaanno ilaaha ah Aabbihiis,
isaga ammaanu ha u ahaato iyo dowladnimo
weligiis iyo weligiisba. Aamiin. Bal eega,
wuxuu la imanayaa daruuraha, oo waxaa isaga argi doona il kasta iyo
kuwii isaga wareemay; Oo qabiilooyinka dhulka oo dhammuna isagay u barooran doonaan. Haah, saas ha ahaato . Aamiin . Rabbiga ilaaha ahu
wuxuu leeyahay, Anigu waxaan ahay alfa iyo oomeega, oo ah kan jira oo jiray oo imam doona, iyo
qaadirka.
MUUJINTII 1:1-8
|